Ku Saabsan SOSTEC Tech Week 2021
Tartan Aqooneedka Sanadlaha SOSTEC Tech Week ee shirkadda SOSTEC Technologies, waxaa ku tartamaya xirfadlayda teknolojiyada sanad kasta xilligan oo kale, si sare loogu qaado ku shaqeysiga technology-yada, tartamaha wuxuu tartanka kaga qeybgalayaa isagoo joogo goobtiisa.
Sanadka 2021 mowduuca lagu tartamayo SOSTEC Tech Week waa ‘Aada Dugsiyada’. Muhiimadda laga leeyahay waa in tartamaha muujiyaa ahmiyadda waxbarashadu leedahay si ubad badan ugu biiraan waxbarashada, haddaba, tartame waxa lagaa rabaa in aad la timaaddo currin(Creativity) aadna soo bandhigto hab farshaxan technology-ad ku dhisan oo aad uga qeyb-qaadaneyso ollalaha ‘Aada dugsiyada.
SIDA LOO SOO GUDBINAYO
- Tartame, si loo qiimeeyo shaqada aad qabatay ku soo dir Gal (Folder) magaciisa yahay MAGACA TARTAMAHA IYO TELFOONKA.
- Galku waa in uu ku jira File-ka sharaxaada mashruuca oo .txt file ah.
- kusoo dir techweek@sostectechnologies.so link-ga Project-gaaga. Soo -gudbinta wixii ka dambeeya 4 -ta August 6:00 Galabnimo lama aqbali doono.
Guul Wacan dhamaan Tartameyaasha
wixi faahfaahin ah kala xiriir techweek@sostectechnologies.so