Sumaddaada shaqsiyeed waa hantida ugu qiimaha badan ee aad ku leedahay bulshada dhexdeeda. Mid ka mid ah aaladaha ugu wanaagsan ee lagu kobcin karo sumcaddaada shaqsiyeed waa bogga bulshada ee facebook.
Abuuritaanka boggaga Facebook ma ahan mid adag oo u baahan waqti badan . Kaliya waxaad ubaahantahay inaad raacdo dhowr kan talaabo ee soo socda.
Kahor inta aadan abuurin boggaaga shaqsiyadeed ee Facebook, waxaad u baahan tahay inaad gasho koontadaada gaarka ah ee Facebook. haddii aadan horey u galin koontadaada shaqsiyeed, gal hadda, ka dibna raac talaabooyinkaan.
Tallaabada 1aad: Abuur
Raac facebook.com/pages/create. ka dibna ka dooro Artist, Brand/ Public Figure
Marka xigta, ka xulo Jaantuska Dadweynaha qaybta ‘menu-ka’ hoos ku qoran, ku qor magacaaga, gujina Get Started
Boggaaga cusub ayaa markaa soo baxaya.
Tallaabada 2aad. Kudar Sawir Profile Picture
Qeybta kore ee bidix ee bogga, guji Ku dar Sawir si aad ugu soo dhejiso. Waxa wanaagan inaad dooratid sawir tayo sare leh si aad u matasho qofka aad tahay.
Tallaabada 3aad. Kudar Sawir Cover Picture
Marka xigta, dhagsii Kudar Cover si aad u hagaajiso Profile Picture ama Video. Cabirka ugu wanaagsan inaad isticmaasha waa 720 x 315 pixels.