Ku Saabsan Tartan-ka SOSTEC Tech Week 2021
Tartan Aqooneedka Sanadlaha SOSTEC Tech Week ee shirkadda SOSTEC Technologies, waxaa ku tartamaya xirfadlayda teknolojiyada sanad kasta xilligan oo kale, si sare loogu qaado ku shaqeysiga technology-yada, tartamaha wuxuu tartanka kaga qeybgalayaa isagoo joogo goobtiisa.
Mawduuca Tartanka SOSTEC Tech Week 2021
Sanadka 2021 mowduuca lagu tartamayo SOSTEC Tech Week waa ‘Aada Dugsiyada’. Muhiimadda laga leeyahay waa in tartamaha muujiyaa ahmiyadda waxbarashadu leedahay si ubad badan ugu biiraan waxbarashada, haddaba, tartame waxa lagaa rabaa in aad la timaaddo currin(Creativity) aadna soo bandhigto hab farshaxan technology-ad ku dhisan oo aad uga qeyb-qaadaneyso ollalaha ‘Aada dugsiyada.
Qeebaha Tartanka
Guuleystayaasha Tartanka SOSTEC Tech Week (UI/UX Design)
Guuleystaha Tartan Aqooneedka Sanadlaha SOSTEC Tech Week abaal marinta UI/UX Design Award
waxaa galay Shamsudiin Mohamed.

Guuleystaha Tartan Aqooneedka Sanadlaha SOSTEC Tech Week abaal marinta UI/UX Design Award waxaa galay Abdirizak Farah.

Guuleystaha Tartanka SOSTEC Tech Week (Web Application Development)
SOSTEC Tech Week abaal marinta Web Application Award waxaa galay Yakub Ahmed Yakub.

Guuleystaha Tartanka SOSTEC Tech Week (Video Production)
Guuleystaha Tartan Aqooneedka Sanadlaha SOSTEC Tech Week abaal marinta Video Production Award waxaa galay Abdifitah Mohamud Mohamed.
